Boqortooyada Sacuudiga ayaa sanadkaaan ilaaTodoba Duulimaad u qorsheysay Xujeyda dalka qadar ee gudanaysa waajibaadka Xajka.
Duulimaadyadaasi ayaa la qorsheeyay in ay socdaan inta u dhaxeysa 22- 25ka bishan aynu ku jirno ee Augosto,kuwaas oo Xujeyda laga soo qaadayo Garoonka Caasimadda dalka Qadar ee Doxa,iyagoo la keenayo Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Boqor C/casiis Ala sacuud ee magaalada Jeddah.
Warku wuxuu intaa ku daray in dulimaadka xujeydaasi dib loogu celinayo wadankooda Qadar uu isna bilambi doono 5-ta bisha Setember ee soo socota,waxaana kharashka ku baxaya xujeydaasi qadariyiinta sanadkan kafaala qaaday Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan bin C/casiis.
Dhanka kale hay’adda guud ee Diyaaradaha Rayidka ah ee sacuudiga ayaa garoomadeeda ugu qorsheysay soo dhaweyn wanaagsan Xujeyda Sanadkan gudaneysa waajibaadka Xajka oo ka kala imanaya dunida dacladaheeda.