Shirkadda SpaceX oo labo cirbixiyeen u dirtay hawada sare

115
Shirkadda SpaceX oo labo cirbixiyeen u dirtay hawada sare. Munaasabadda daah-furayka ayaa dhawr mar dib dhac ku yimid iyadoo ugu wacan tahay cimilada hawada oo aan markaas suragelininayn in la diro cirbixiyeenka. Reuters

Shirkadda gaarka loo leeyahay ee SpaceX ee dalka Mareykanka ayaa markii ugu horreysay labo cirbixiyeen u dirtay hawada sare kaddib toban sano oo dowladda Mareykanka ay hakad galisay hawlaha u safridda rayidka ee hawada sare markii ay dhacday musiibo qaran.

Labada cirbixiyeen oo ka tirsan Hey’adda cirbixinta Mareykanka ee NASA ayaa laga ganay dhulka abaarihii 3: 22 waqtiga Mareykanka isla meesha horay looga ganay mashruucii ugu horreeyay ee Apollo ee gobolka Florida kaa oo Mareykanku ku gaaray hawada sare iyada oo Neil Armstrong uu ku degay dayaxa sare.

Gantaalka qaadayay ayaa si ka badalan sidii hore waxaa ganay shirkadda gaarka loo leeyahay ee SpaceX, halkii ay horay shaqadaas u qaban jirtay NASA. Xarunta laga ganay waxaa kale oo laga sameyn jiray safarada yaryar ee bini aadanku ku tago dayaxa sare.

Shirkadda SpaceX waxaa iska leh oo maalgaliyay Elon Musk oo ah maalqabeen asalkiisu ka soo jeeda dalka Koonfur Afrika heystana dhalashada Mareykanka iyo Canada isla markaana ku riyoonaya in uu horseedo in dadku ay degaan meeraha Mars ee ka mid ah meerayaasha sagaalka ah ee hawada sare.

Madaxweyne Trump iyo ku xigeenkiisa Mike Pence oo daawanayay marka la ganayay gantaalka dadka qaadayay ayaa sheegay in uu si fiican ugu faraxsanahay uuna u mahadcelinayo inta iska kaashatay.

SHARE