Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo Geeriyooday

128

Allaha U Naxariisto waxaa dalka Faransiiska ku geeriyooday Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaa uu horey u soo noqday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo 72 jir ahaa ayaa sidoo kale ka mid ahaa siyaasiyiintii aas-aasay dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya. Prof. Gaandi ayaa sidoo kale aqoon dheer u lahaa taariikhda dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

SHARE