Bangiga adduunka oo 80 milyan doollar u ogolaaday Soomaaliya

160

Muqdisho (UM) – Bangiga adduunka ayaa meelmariyay hab iskaashi cusub  oo qaadanaya afar sanno kaas oo lagu ansaxiyay in Soomaaliya laga fuliyo labo mashruuc oo maalgalin ah oo ku kacaya 80 milyan oo dollar.

Qorshahaan ayaa looga dan leeyaahay in lagu taageero yoolalka dawladda Soomaaliya  ee ku u aaddan  ballaarinta adeegyada bulshada,  dhisida habka ka hortagga musiibooyinka iyo  sare u qaadidda fursad dhaqaale ee Soomaaliya.

Bangiga adduunka waxa kale oo uu Soomaaliya ku taageeri doonaa mashruucyo kale oo ku kacaya dhaqaale xooggan sida mashruuca dib u habeynta heydaha maaliyadda  iyo sidoo kale xoojinta dakhliga gudaha.

Heyadda  hormarinta bangiga adduunka oo la aasaasay 1960kii ayaa waddamada saboolka ah ka taageerta mashaarciidda kala geddisan ee lagu horumarinayo dalalkooda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku soo dhaweeyay warka ka soo baxay bangiga adduunka isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’antahay dib haybta dhanka Maaliyadda iyo yoolalka ee lagu tiigsanayo horumar dalka.

Bangiga adduunka ayaa sidoo kale Soomaaliya u ogaaladay lacag gaaraya 20 milyan oo dollar oo lagu horumarinayo mashaariic kale duwan oo  maamulka iyo Maaliyadda ah.

SHARE