Muqdisho (UM) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey, Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka. Xeerka Doorashooyinka oo muran badan ka taagan yahay ayaa Golaha Wasiiradda maanta meelmariyeen.
Xeerka Doorashooyinka ayaa sidoo kale ayaa la filayaa in ay meelmariyaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal. Sida laga soo xigtay ilo ku dhawdhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in sidoo kale Guddiga Doorashooyinka Qaran dhawaan la dhisi doono. Shir muhiim ah oo ay dhawaan yeelan lahaayeen Madasha Wadashiga Qaran ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleedba iyo Gobolka Banaadir ayaa aanan qabsoomay sababo la sheegay in Agendaha iyo waqti aan la heshiin.
Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee maanta ay ansixisay Xukuumadda Xamze Abdi Barre ayaan la ogayn jawaabta ay Mucaaradka iyo saamilayda danaysa arrima Soomaaliya ka bixin doonaan.