Faallo: Somaliland maxay ku faleysaa Midnimo?

604
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelleh iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo fadhiya shirka Wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo Jabuuti ay marti gellisay. Sawirka/ Villa Somalia

Waa isbarbardhig ku saabsan matalaadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland.

Labada dhinac markii u horreysay ee ay is hor fariistaan waxay ahayd January, 2012. Waxay ahayd Chevening House oo ah meel aan ka fogeyn magaalada London.

Shalay ka hor, kulankii u dambeeyay wuxuu ahaa 2014 oo ay labada Madaxweyne ku kulmeen Djibouti.

Labada shir mid aniga oo suxufi ah ayaan joogay ergooyinkana gooni gooni ula kulmay. Midka kale, wafdiga Madaxweynaha ayaan ka mid ahaa oo miiska ayaan fadhiyay.

Intii u dhexeysay si dhow ayaan ula socday. Marka aan suxufinnimo ku shaqeynayay labada dhinac ayaan xog wareysanayay.

Marar kale aniga oo matalaya Soomaaliya ayaan wadahadalka uga qeyb galay Istanbul, Ankara oo ahayd kulan aqoonyahanno iyo Djibouti. Qaar kale qabanqaabada ayaan wax ku lahaa. Is arag aan la shaacinna si hoose ayaan xogtooda u helay.

Ku dhowaad dhammaantood waxaa ii muuqata in aan labada dhinac ahayn isku diyaar garow xag macluumaad iyo waliba marka ay noqoto in aan waxba lala harin ee loo bareero dhinaca kale.

Waxaan qabaa dareenka ah in ay isa soo hor fariistaan koox taqaanna waxa ay ka hadleyso iyo sida ay u dhigeyso, Iyo koox dooneysa Midnimo ay doonayaan in ay ku helaan “in ay u caqli celiyaan walaalhood.”

Istaraatiijiyada Somaliland waa in Soomaaliya ay noqoto laba dal oo koofuriyo Woqooyi ah.

Dooddu halkaa kama degto, waxba lagama beddelo, waxna kuma soo biiraan.

Waxay ku bixisay dhiig, kharash fara badan iyo borobagaanda. Waa dacaayad aan kala go’ lahayn oo dadweynaha la gaarsiiyay, laguna celceliyay.

Waxaa la hubiyay in shakhsi kastaa ay farriintu gaarto – mid awalba sidaa qabay amaba ka horreeya, mid hadda lagu qanciyo iyo mid lagu celceliyo ugu yaraan ilaa uu ka garaabo.

Waxay saaxiibbo ku yeelatay Saxaafadda Caalamiga ah iyo diblomaasiyiinta shisheeye. Xafiisyo u sameysan suuq geynta siyaasadda ayaa la kireystay.

Si doodda aan loo kala illoobin, marnabana aanay dadka madaxiisa uga bixin waxaa loo sameeyay astaamo lagu xusuusto.

Mid keliya haddii aan xuso waa Taallada ay dayaaradda Miigga ahi saaran tahay ee qof og in aad og tahay sheekadeeda murugada leh aanuu ka caajiseyn in uu mar laba iyo ka badan kuugu soo celiyo.

Somaliland shakhsiyaad beey leedahay loo bixiyay mujaahiddiin. Waxay la dagaallameen oo ay ka adkaadeen shakhsiyaad astaan looga dhigay shar oo loo bixiyay faqash.

Qof kastaa wuxuu ka qalin jebiyay Iskuulkaas furan ee ku saabsan wixii la soo maray iyo waxa hadda la hasto ee aan la heleen haddii Soomaaliya laga sii tirsanaado. Aqoontaas barashadeeda ma jirto meel ka caagga. Waxaa lagu bartaa xafladaha, xafiisyada, goobaha ganacsiga, guryaha iyo saxaafadda bulshada, waxaana laga dhegeystaa Raadiyaha iyo TV-ga.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa marka wadahadal la tagayo waxaa la soo xulaa dadka ugu xog ogaalsan, ugu mintidsan, qaarkood ay waxyeello toos ahi soo gaartay oo marnabana aanay suurta gal ka ahayn in uu shaki ku dhasho.

Waxaa intaa u wehliya aqoonyahanno u soo diyaariya doodda, mararka qaarna sooba raaca oo ka tirsan ergada.

Madasha ayay tagaan iyaga oo ku hubeysan Taariikh si taxaddar leh loo soo xulay, xad gudubyo iyo dhacdooyin fool xun oo dhab ah iyo qaar fasiraad aan sax ahayn laga bixiyay. Iyo wax kasta oo sax ama khalad leh ee ay Somaliland ku gar heli karto kuna caddeyn karto in xalka keliyihi uu yahay in laba dal la noqdo.

Intaa waxaa u dheer in shacab iyo Dowladba ay la xisaabtayaan wafdigu marka ay dalka ku laabtaan.

Federaalka
Soomaaliya waxaa u safta Madax ay ku jiraan qaar ku soo booday ama lagu soo dhex tuuray wafdi baxaya, xilka ay ku magacaaban yihiin awgiis ama si loo buuxiyo 4.5 beesha ay ka soo jeedaan darteed. Mararka qaar waxaa taga ergo mid kasta oo ka mid ah ay tahay markii ugu horreysay ee wadahadalkan uu ka qeyb galo.

Xubnahaas waxaa laga yaabaa in qaarkood aanay weligood tegin, akhrin, iskuna howlin in ay si qoto dheer u fahmaan doodda Somaliland waxa ay ku saleysan tahay.

In aanay aqoon taariikhda oo dhammaystiran. In aanay la socon dhacdooyinka foosha xun ee hore u dhacay, marka laga reebo in ay maqleen woqooyi waa la duqeeyay.

Iskaba daa midda ka sii culus oo ah waxa la soo hor dhigi karo ee ku qancin kara reer Somaliland in ay dantoodu ku jirto Midnimada.

Istaraatiijiyada marar badan la isku dayo in lagu iibiyo Midnimadu waa niyad wanaag iyo in la yiraahdo ‘walaalayaal midnimada ayaa ka wanaagsan tafaraaruqa ee midnimada aqbala’.

Taariikh, sharciyad iyo dood Soomaaliyeed intaba dad la geli kara Somaliland kuma yara Koofurta. Waxaa ugu badan Soomaalida ka soo jeedda Somaliland ee madax iyo shacab leh ee Muqdisho iyo ku nool kana shaqeysta gobollada oo dhan.

Qaarkood sabab kasta ha keentee Midnimada ma iibiyaan.

Qaar kalena, fursad looma siiyo in ay qeyb ka ahaadaan wadahadalka ama xataa ay daaha gadaashiisa ka talo bixiyaan.

Soo jeedin

Soomaaliya waa dal aad u weyn oo ka weyn Ingiriiska iyo Talyaaniga oo la isku daray.

Sidaa darteed, qof kastaa arrimaha gobolkiisa ama degaankiisa wuu kaga xog ogaalsan yahay inta kale oo dhan.

Labadii Gobol ee midoobay marka uu midkood gooni isu taago, inta u dhalatay ee sidaa taageersan iyo inta diiddaniba, ariinta waa ay uga xog ogaalsan yihiin Soomaalida inteeda kale.

Waxaan qabaa in Koofurta laga furo dood Dadweyne oo qoto dheer oo ujeeddadeedu ay tahay in ay sahasho is faham.

Dooddaasi waa in ay jawaab u heshaa weydiinta ah cinwaanka qormadan – Somaliland maxay ku faleysaa Midnimo?

Madaxda Somaliland iyo shacabka taageersan waa maxay danta ugu jirta Midnimada, ee la tusi karo, la taabsiin karo ayna ku qanci karaan?

Su’aashaas jawaabteeda waa in ay dusha ka bartaan ugu yaraan inta siyaasadda ku jirta iyo inta daneyneysa in ay gasho.

Iyaga oo intaas yaqaan, ka dib, ayay marka la soo xulo u diyaar garoobi karaan oo ay dejin karaan Istaraateejiyada wadahadalka iyo taatikada ay tahay in la adeegsado.


W/Q: Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Yusuf Garaad Cumar.

SHARE