Xulka kubada cagta G/Banaadir oo 3-1 uga badiyay xulka K/Koonfur Galbeed

386

Muqdisho: Xulka kubadda cagta ee Gobolka Baanadir ayaa ka baddiyay galabta xulka kubada cagta ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ciyaar ku dhexmartay garoonka ciyaarana ee Eng. Yariisow ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo aad u adkaa, xiisa gaar ahna lahaa ayaa waxaa xulka Maamulka Gobolka Banaadir 3- 1 uga badiyeen xulka Koonfur Galbeed. Kooba Ciyaaraha dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo toddobaadkan ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxa uu soo maray heerka is reeb-reebka ee Semi-final.

Ciyaartii shalay dhexmartay xulka dowlad Goboleedka Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa 2- 1 ku badiyay xulka kubadda cagta Galmudug.

Ciyaarta final ah ama dambaysta ah ayaa waxaa Arbacada, 30 bishaan December wada ciyaara xulka Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

SHARE