Muqdisho (UM) – Xulka kubadda cagta dalka Zimbabwe ayaa 3 iyo 1 uga badisay xulka Qaranka Soomaaliya ciyaar ka dhacday galabta magaalada Harare ee caasimadda Zimbabwe, ciyaartaasi oo ka tirsanayd wareega kowaad ee is-reeb reebka loogu soo baxayo ciyaaraha koobka Adduunka ee sanadka 2022.
Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ciyaar aad u wanaagsan soo bandhigay, hab ciyaareedka ay soo bandhigeen ayaa ahaa mid xiiso gaar ah u yeelay ciyaarta. Waxaa ay ahayd ciyaar ay si wayn u daawanayeen dad badan oo Soomaaliyeed oo gudaha iyo dibadda dalka ku nool, ayna aad ugu rajaynayeen in xulka Soomaaliya guusha ay hantaan. Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirkiisa ciyaaraha Khadiija Maxamed Diiriye ayaa xitaa farrimo dhiiragelin ah u diray ciyaartoyda kubadda cagta Soomaaliya ka hor inta aysan ciyaartu bilaaban iyagoo u rajeeyay guul.
Inkasta oo ay ciyaar wanaag iyo dadaal farsamo ciyaareed ba leh la yimaadeen xulka Qaranka Soomaaliya haddan ma helin guusha balse wax ka wayn guushaas oo ah in ay sharafta iyo Qaranimada Soomaaliya heerkaas iyo fagaarayaashaas gaarsiiyaan ayay caawa soo hooyeen.
Soomaaliya ayay u sameeyeen magac iyo maamuus in muddo ah ka qarsaana adduunka, waxa ayna Adduunka iyo Afrika bareen in Soomaaliya tahay Qaran adduunka wax la qeybsan kara.
Ciyaartoyda kubadda cagta ee Soomaaliya ku matalayay koobkaan ayaa laga kala keenay qurbaha iyo gudaha dalka. Taasi waxa ay muujinaysaa in haddii Soomaalidu iskaashato ay gaari karaan wax wayn oo ay ugu horeyso midnimada, wadajirka iyo waxwada qabsiga ku aadan dalkeena Soomaaliya. Siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa in ay wax ka bartaan arrintaansi ayna cashar u noqoto.
Ciyaartoyda xulka Qaranka ee maanta laga baddiyay ma aysan guuldaraysan bale guul iyo casharo taariikhi ah oo noloshooda iyo buugagtooda ay ku qoraan ayay la soo laabteen. Guusha ay soo hooyeen waxa ay ka turjumaysaa halka Soomaaliyada aan dooneyno oo Qaran ah u socoto. Waad mahadsan tihiin guushiina waa muuqataa!