Zimbabwe oo Soomaaliya ka badisay

175

Xulka kubadda cagta dalka Zimbabwe ayaa 3 iyo 1 uga badiyay xulka Qaranka Soomaaliya ciyaar galabta ka dhacday magaalada Harare ee caasimadda Zimbabwe taasi oo ka tirsan tartanka isreeb reebka oo loogu soo baxayo koobka Adduunka ee sanadka 2022.

Xulka Qaranka Soomaaliya oo ciyaar wanaagsan soo bandhigay ayaa hal gool ka dhaliyay Zimbabwe markii laga soo laabtay nasashadii labaad. Balse Zimbabwe ayaa labo gool oo isku dhaw uga naxsatay xulka Soomaaliya.

Markii la soo gaaray daqiiqadihii ugu dambeeyay ayay xulka dalka Zimbabwe goolkii 3 aad Soomaaliya ka dhalisay halkaasi oo guushii ku raacday xulka Soomaaliya.

Ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay 3-1. Xulka Soomaaliya ayaa lugtii hore oo lagu qabtay dalla Jabuuti 1 iyo eber uga soo badiyay xulka Zimbabwe.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Hambalyo  u diray xulka qaranka Soomaaliya isagoo yiri “waad guulaysateen waxaad samayseen taariikh cusub , waxaad na geliseen rajo iyo yididiilo cusub , waxaad muujiseen khibrad karti farsamo iyo dhiirranaan , waad ku mahadsantihiin sida fiican ee aad qaranka u matasheen , tani waa bilow cusub oo soo jiidatey indhaha caalamka , guul ayaan idiin rajaynayaa xidigaha qaranka soomaaliyeed”.

SHARE