Xulka G/Banaadir oo ku guuleystay koobkii tartanka ciyaaraha Gobolada Soomaaliya

60

Muqdisho:  Xulka kubada cagta ee Gobolka Banaadir ayaa ku guulaystay koobka ciyaaraha dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Ciyaartii kama dambeysta ahayd ee galabta garoonka kubada cagta ee Eng. Yariisow ee magaalada Muqdisho ku dhexmartay xulalka Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedba Galmudug oo isagu soo haray koobka ciyaaraha dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ayaa Xulka Gobolka Banaadir koobka ku qaadeen kaddib markii ay xulka Galmudug rigoorayaal uga badiyeen.

Waxaa aad loo adkeeyay Amniga garoonka Eng. Yariisow ex-Koonis oo ciyaarta finalka ah galabta ka dhacaysay. Inta badan waddooyinka soo gala garoonka iyo degmooyinka ku teedsan.

Ciyaartii galabta ayaa 90-kii daqiiqo oo hore ayaa waxa ay ku dhammaatay 2-2 Barcelona ah balse rigoorayaal loo dhigay labada kooxood ee xulka Galmudug iyo Gobolka Banaadir ayaa Galmudug rigoorayaalkii la siiyay ay iska qasaarisay iyadoo Xulka Gobolka Banaadir ay goal-layaasha ama gool ku laadkii la siiyay ay dhaliyeen.

Guusha ayaana sidaas ku raacday xulka Gobolka Banaadir oo koobka dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku guuleystay.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray xulka kubada cagta Gobolka Banaadir isagoo toos u daawanayay ciyaarta.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyo u diray xulka Gobolka Banaadir.

Ciyaartii galabta ayaa ahayd mid aad u xiisa badan iyadoo taageerayaal iyo dadwayne aad u farabadan ay u soo daawasha tavern garoonka Eng. Yariisow oo ay ciyaartu ka socotay.

SHARE