Muqdisho – Waxaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ka dhacay shir looga hadlayay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya wajigiisa afaraad oo shir Guddoominayay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayna ka qeybgaleen dhammaan Wasiiradda Wasaaraha dowladdaha xubnaha ka ah dowladd Federaalka Soomaaliya, Gobolka Banaadir, Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), Baanka Adduunka (World Bank), Midowga Yurub (European Union).
Shirka ayaa lagu soo bandhigay guulihii Barnaamijku gaaray, iyadoo la isla gartay shaqooyinka dalka horyaala si loo gaaro hadafka fog ee macaamilkii dhaqaale ee Soomaaliya dunida la lahayd, yareynta saboolnimada, maalgashi caalami ah iyo kobaca dhaqalaha dalka.
Fallanqeyn dheer kaddib, waxaa hoosta laga xariiqay ahmiyada arrintani u leedahay dalka, iyadoo Wasiiradda iyo maamulka Gobolka Banaadir ay si buuxda u taageereen Barnaamijkaan, waxaana laysku raacay in si buuxda looga wada shaqeeyo, sida lagu xusay warmurtiyeed ka soo baxay shirka.
Hoos ka akhriso War-murtiyeedkii ka soo baxay kulankii wadajirka ahaa ee ay Addis Ababa ku yeesheen Wasiirada Maaliyadaha dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.