Shir Muqdisho uga socday Wasiirada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo la soo gabagabeeyay

187

Muqdisho (UM) – Shir uga socday magaalada Muqdisho saddexii maalin ee la soo dhaafay Wasiirada Maaliyadda heer Federaal iyo heer dowlad Goboleedba iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay. Shirkaan uu Guddoomiyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa diirada lagu saaray arrimaha horumarinta Dhaqaalaha, hannaanka Maaliyadda,ย  mideynta Canshuuraha dekkedaha ee Soomaaliya iyo xoojinta nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka.

Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa si qoto dheer uga dooday sidoo kale qeybsiga iyo wadaaga deeqaha Dowlad Federaalka Soomaaliya la siiyo ee kabka Miisaaniyadda Dowladda iyo mashaariicda kale duwan ee horumarineedย  ee dalka ka socda.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.ย  Maamulka Puntland ayaan shirkaan ka qaybgalin inkastoo oo ay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay sheegtay in shirka lagu caasuuumay.

Halkaan ka akhriso Warmutiyeedka laga soo saaray shirka;

Waxaa maanta magaallada Muqdisho lagu soo gabgabeeyay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee Heer Fadaraal, Heer Dowlad-Gobolood iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaasoo socday muddo sadex cisho ah, iyadoona diiradda lagu saaray qodobo muhiim u ah horumarinta hannaanka maaliyadda iyo wadashaqaynta guud.

Dood dheer kadib, madashu waxa ay isku raacday warmurtiyeed ka kooban Shan qodob oo ay wadajir u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah Guddoomiyaha Madasha iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada kala ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koofur-Galbeed, Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Qodobada lagu heshiiyay

1) ๐–๐š๐๐š๐š๐ ๐ ๐š ๐Š๐š๐›๐ค๐š ๐Œ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐ง๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š (๐๐ฎ๐๐ ๐ž๐ญ ๐’๐ฎ๐ฉ๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ): Si waafaqsan heshiiskii Wasiirrada ee shirkii 18aad, ee ku saabsanaa wadaagga deeqaha, waxa lagu heshiiyey in lagu saleeyo wadaagga kabka miisaaniyadda Sanad Maaliyadeedka 2024 si waafaqsan tilmaamaha heshiiska. Waxa sidoo kale la isla qaatay in lagu dabaqayo dajinta Miisaaniyadda Sannadka 2025.

2)๐๐š๐š๐›๐ค๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐‹๐š๐ฆ๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐ง๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š (๐‹๐€๐‚): Kulanku wuxuu ka dhegeystay Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Fadaraaleynta Maaliyadda (IGFFTC) soo jeedintii Guddiga fadhigiisii 16aad, warbixintaas oo lagu faah-faahiyey Aqoonsiga Canshuur bixiyaha iyo qaabka uu noqon karo. Kulanku wuxuu isku raacay soo jeedintii Guddiga Farsamada, taas oo ah in hirgelinta Lambarka Aqoonsiga Canshuur bixiyahu (LAC) noqdo 12 god, (12 digit) oo muujinaya nooca canshuur bixiyaha (shakhsi/ganacsi/heyโ€™ad), heerka dowladda, lambar taxane ah ee nidaamka danabeysan ee la adeegsanayo uu abuurayo iyo lambar lagu hubinayo.

3)๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ž๐ž๐ช๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ฅ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ข๐๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐š๐ก๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž: Warbixin iyo soo jeedin Mashruuca RCRF oo xiganaya soo jeedintii Guddiga Farsamada ee shirkii Kigali, kulanku wuxuu bogaadiyey ansixiyeyna dhammaan shuruudaha iyo habraacyada la xariira maamulidda deeqaha Dowladaha Hoose ee la soo bandhigay. Kulanku wuxuu isku raacay in la xoojiyo tayada shaqo ee Dowladaha Hoose si loo xaqiijiyo isticmaalka lacagta si sax ah, iyadoo laga kaalmeeynayo habsami u socodka shaqada mashruuca iyo bixinta adeegyada bulshada.

4)๐๐จ๐ซ๐ฆ๐จ ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐ž๐ž๐๐ค๐ข๐ข ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐š๐๐ข๐ข ๐Œ๐š๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฌ๐ญ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐ฐ๐จ๐จ๐๐š๐ก๐š: Kulanka waxaa looga warbixiyey halka uu marayo Qormo Siyaasadeedkii Heshiisyadii Masโ€™uuliyadaha Dakhliga iyo Asteynta Awoodaha Adeegga heerarka dowladaha, kaas oo Madasha Wadatashiga Qaranku (NCC) hore goโ€™aamo uga gaaray December 2022 iyo Maarso 2023. Falanqeyn dheer kaddib, kulanku wuxuu bogaadiyey dadaalka Guddiga Farasamada, ayadoo sidoo kalena kulanku bogaadiyey soo jeedintii Guddiga Farsamada ee ahayd in Maamul kastaa gudihiisa kasoo baaraandegaan, soona gudbiyaan aragtidooda bisha October ee Sanadka 2024.

5) ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐‘๐‚๐‘๐…-๐ˆ๐ˆ๐ˆ: Kulanku wuxuu ka dhagaystay soo jeedin ku aadan hannaanka cusub ee mashruuca RCRF-III u saacidi doono DXDF sanadka soo socda, taas oo isbedel ku imaan doono habraacyadii hore. Dowlad Goboleedyadu waxay qoondada mushaar bixinta u wareejin doonaan qaabka shuruudda ku xiran ee loo yaqaano PBC. Waxaa la isku waafaqay in shir arinkaan u gaar ah la qabto si loo falanqeeyo caqabadaha ku imaan kara fulinta hawshan.

๐–๐š๐›๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐“๐จ๐ฐ๐Ÿ๐ข๐ข๐ช