Diyaarad 61 qof saarnaayeen oo ku burburtay dalka Brazil

115

Sao Paulo (UM) — Diyaarad ay saarnaayeen 61 qof ayaa ku burburtay xaafad ku taal magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil Jimcihii, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradaha, balse ma jirto cid ka badbaaday shilka diyaarada, sdia xaqiijisay shirkada diyaarada.

Shirkadda diyaaradaha ee VoePass ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in diyaarad ku socotay garoonka caalamiga ah ee Sao Paulo ee Guarulhos ay ku burburtay magaalada Vinhedo oo ay saarnaayeen 58 rakaab ah iyo 4 shaqaale ah. Warku ma sheegin waxa sababay shilka.

Madaxweynaha Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, ayaa dadka ka codsaday inay istaagaan oo ay hal daqiiqo oo aamusnaan ah u muujiyaan dadka diyaarada ku dhintay, markii uu warka la wadaagayay. Wuxuu sheegay in ay u muuqato in dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii la socday ay dhinteen, isagoo aan faahfaahin ka bixin sida xogtaas lagu helay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay 3 maalin oo baraar diiq Qaran ah kaddib shilka diyaaradeed ee dhacay. Saraakiishu ma aysan sheegin in dad ku dhibtay xaafadda ay diyaaraddu ku dhacday ee magaalada Vinhedo, oo qiyaastii 80 kiiloomitir (50 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Sao Paulo. Balse goobjoogayaal ku sugnaa goobta ayaa sheegay in aysan jirin wax dhibanayaal ah oo ka mid ah dadka deegaanka, sida ay tabisay, Wakaalada wararka AP.

Dab-damiska, Booliiska milatariga iyo maamulka difaaca madaniga ah ayaa kooxo u diray goobta shilku ka dhacay ee Vinhedo, sida ay werisay Wakaalada wararka ee AP.

Shabakadda telefiishanka Brazil ee GloboNews ayaa soo bandhigtay muuqaalka dhul ballaaran oo dab ka kacayo iyo qiiq ka soo baxayay firirka diyaaradda oo ku yaalla xaafad ay ku yaallaan guryo badan. Muuqaalo dheeri ah oo laga soo qaaday GloboNews ayaa muujinayay diyaarad si toos ah hoos ugu sii dhacaysa dhulka, iyada oo si xawaarleh u duulaysa.