
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa goor-dhow u ambabaxay dalka Kenya, ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata.
Madaxwayne Farmaajo ayaa maalinta beri oo talaado ah dalka Kenya kaga qeyb gelaya Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaasi.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay iney ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caleema-saarka Uhuru Kenyatta kaddib waxaa uu u ambabixi doonaa magaalada Abidjan ee caasimmadda dalka ivory cost (Côte d’Ivoire) halkaasi oo uu kaga qaybgali doono shirka madaxda dalalka Midowga Yurub iyo kuwa Midowga Qaaradda Afrika.
Warbaahinta Ummaddamedia, ayaa horay u ogayd socdaalka Madaxwaynaha Soomaaliya ee Kenya iyo Ivory cost waxaana 24-kii bishan war ka qoray
Hoos ka arag warkaasi
Madaxwayne Farmaajo oo isbuucan gudihiisa u ambabixi doona Kenya iyo Ivory cost