
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, ayaa la filaayaa in isbuucan gudihiisa uu u ambabaxo dalalka Kenya Ivory cost.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga qaybta ka noqana safirkiisa dalka Kenya ayaa ugu horayn waxaa lagu waramayaa in magaalada Nairobi ay kaga qayb gali doonaan caleema-saarka Madaxweynaha dhowaan dib xafiiska loogu doortay ee dalka Kenya Uhurra Kenyatta.
Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa inuu kullan gaar ah uu la yeesho madaxwaynaha la caleema-saari doono ee Uhuru Kenyatta.
Uhuru, ayaa ku guulaystay doorasho madaxtinimo oo Ku cilis ahayd taasi oo dood badan iyo rashado dhimasho iyo dhaawac ah dhalisay ka dib markii isbahaysiga mucaaradka dalkaasi ugu wayn ee The National Super Alliance (NASA) ay doorashada ka hareen ayagoo u sababeeyay maqaamka Guddiga Doorashooyinka iyo xudduudaha dalkaasi Kenya ee loo yaqaano (IEBC).
Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa horay u laashay natiijada doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday bartimihii bishii August ee sanadkan inkastoo doorashadii ku ciliska ay sharciyaysay.
Dhanka kale
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caleema-saarka Uhuru Kenyatta kaddib waxaa uu u ambabixi doonaa magaalada Abidjan ee caasimmadda dalka ivory cost (Côte d’Ivoire) halkaasi oo uu kaga qaybgali doono shirka madaxda dalalka Midowga Yurub iyo kuwa Midowga Qaaradda Afrika, sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow dowladda Soomaaliya oo ay heshay warbaahinta Ummaddamedia.