Hogaamiyaha maamulka Hirshabeele oo beeniyay inuu wax ka ogyahay warmurtiyeedkii maamul goboleedyada

998

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa iska fogeeyay inuu ku lug lahaa war murtiyeed wadajir ahaa oo ay Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ka soo saareen xaalada siyaasadeed ee dalka.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxweyne Waare oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray ayaa lagu sheegay in war murtiyeedkaas aanu qeyb ka aheyn, talana ku biirin arrinta ku saabsanaa arrinta dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale war saxaafadeedka aya lagu sheegay inuu ku baaqayo in la qaboojiyo heerkululka siyaasadeed, lagana fogaado tallaabo kasta oo xaalada uga sii dareysa.

War murtiyeed lagu sheegay inay soo saareen maamul goboleedyadda dalka ka jira ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay, markii Madaxweynayaasha ay taleefan ku wada hadleen, isla markaana isla ogolaadeen in war wadajir ah soo saaraan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrinta Galmudug, hase ahaatee Madaxweyne Waare ayaa laga soo xigtay in wax talo ah uusan ku laheyn qoraalkaas, isla markaana lagala tashan.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka uu soo saaray Waare:-