Madaxda 6-da maamul gobaleed ee Soomaaliya oo war kuluul ka soo saaray khilaafka Galmudug

483

Markii ugu horeysay madaxweynayaasha maamul goboleedyada lixda ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku cambaaraynayaan xildhibaano sheegay in ay xilka ka qaadeen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Warsaxaafadeedka oo ay ku wada xusnaayeen madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, kan Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, kan Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay farogalin la sheegay in dowladda dhexe ay ku hayso arrimaha Galmudug.

SHARE