Muqdisho ( UM) – Waxaa la soo gabagabeeyay dooddii maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliyed taasi oo looga hadlayay arrinta Abdikariim Sheekh Musse ( Qalbi Dhagax) oo dowladda Soomaaliya ay dhawaan u gacangelisay Xukuumadda Itoobiya.
Kulanka Baarlaamanka federaalka Soomaaliya ee maanta ayaa waxaa aad looga doodday go’aankii dhawaan ay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay ka qateen arrinta Abdikariim Qalbi Dhagax iyadoo xildhibaannada ay kula aragti duwanaayeen.
Waxaa jiray xildhibaanno dowladda federaalka Soomaaliya ku dhaliilay dhiibista Abdikariim Qalbi Dhagax iyo kuwa qabay arti ka soo horjeeda oo Xuukumadda ku aragti ahaa.
Ugu dambeyntii kulanka ayaa waxa soo xiray Guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo sheegay in kiisa Cabdikariim Qalbi Dhagax Guddi madax bannaan loo saaray. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Guddiga oo laga soo xuli doono Guddiyadda joogtada ah ee Baarlamaanka dib laga shaacin doono magacyadooda. Toddobaadkii hore waxaan qornay Faallo aan ugu magac darnay, Kaliya baaritaan madax bannaan ayaa badbaadin kara kalsoonida shacabka ee Dowladda, waxa ay u muuqataa tallaabada baarlamaanku maanta qaatay in ay wax badan ka bedeli doonto arrinta Abdikariim Qalbi Dhagx iyo kalsoonida shacabka oo ka war sugayay go’aanka Golaha Shacabka.