Qalbi Dhagax: Kaliya baaritaan madax-bannaan ayaa badbaadin kara kalsoonidii shacabka ee dowladda – UM

4366
Somalia Cabinet Ministers Photo/ SONNA

Muqdisho (UM) – Isbuucan wuxuu ka dhiganyahay mid ay dowladda Soomaaliya rajayn laheyd inuu ku dhamaado akhbaar wanaagsan. Warbixin kasta oo cusub ee dhaanta midda xilligan dhex ceegaagta warbaahinta maxaliga ah iyo baraha bulshadda ee ku saabsan shakiyadda iyo eedaymaha ku aadan dhiibistii Abdirakim Qalbi Dhagax loo dhiibay Ethiopia ayay hubaal tahay inay culeys badan ka duul qaadi lahayd dowladda Soomaaliya.

Qalbi dhagax ayay sida dowladu sheegtay waxaa loo dhiibay Ethiopia isbuucii la soo dhaafay, talaabadan ayaa kicisay dareenka shacabka isla markaasna abuurtay waji-gabax iyo cambaareyn ay inta badan shacabka Soomaaliyeed dusha uga tuureen xukumadda. Bulshadda Soomaaliyeed ayaa dareemaya in xukumada Soomaaliya ay khiyaantay Qalbi Dhagax, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan jabhadda ONLF. Isla xilligan oo aynu qorayno faalladan, ma cadda xaqiiqda dhabta ah ee kiiska ama dacwada lagu soo oogay Qalbi Dhagax aan ka aheyn eedeymaha ay u soo jeedisay xukumadda Soomaaliya ee ku xiriirinaya jabhadda ONLF iyo Qalbi Dhagax ba inay yihiin argagixiso xiriir la leh ururka Al-Shabaab.

Si kastoo xaqiiqdu u dahsoontahay, Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, ma aaminsana sheegashadda dowladda iyo tafaasiisha ay ka bixiyeen dhiibista Qalbi Dhagax ee Ethiopia. Waxaa hubaal ah in dareenka iyo shucuurta shacabku ay tahay mid cirka isku shareertay, tiyoo ay jirto in xitaa golaha wasiiradu aysan isku raacsaneyn talaabooyinka iyo warbixinta ay la soo shir tagtay dowlada in kastoo ay muuqato in R/wasaaruhu dadaal iyo galaan gal u galay sidii uu tageerada wasiiradiisa u heli lahaa tiyoo ugu dambeyn xaalka ka dhigtay ‘kadar oo dibi dhal’.

Maamulka hadda jira ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Farmaajo, ayaa u muuqda mid aan awood u laheyn maareynta dhibaatooyinka  iyo aafooyinka aan la filaynin ee soo kordha kuwaas oo iska soo daba dhacayey isbuucii la soo dhaafay. Xasaraddaha ama qalalaasaha yaryar ee sida dhakhsaha leh ku bilowda ayaa isku badalayey xaaladdo adag oo mashaakil qaran isku badala kuwaasi oo ay mar walba uga sii darto aamusnaanta, Xukuumaddu oo ugu dambeyn kalifta in dhibaatooyin yar yar oo la xalin kari lahaa ay isku badalaan masiibooyin buuxa oo ba’an.oo ay marka dambe adkaato sidii loo qaboojin lahaa.

Toddobaadkii hore waxaa soo baxday warqad khatar iyo waji-gabax leh oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Yuusuf Garaad u diray Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya. Warqadaasi ayaa ka dhignayd burburinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee dibadda; Maanta waa dhiibista muwaadin Soomaali ah oo dawladda Itoobiya loo gacan galiyay, oo ah isla dowladii uu la dagaalamayey, iyada oo aan si cad loo raacin shuruucda iyo xeerarka calaamiga ah.

Maareynta arrinta Qalbi Dhagax ee xukumadda Soomaaliya ee karti darada iyo habac sanaanta ka muqaatay, iyo hab raac la’aanta jirtay ayaa keentay in tuhumo iyo malo-awaal ay hareyaan doodaha dadweynaha. Markii ugu danbeyntii xukumaddu ay hadashay, waxay ahayd waqti dambe oo dhiil iyo fandhaal kala dhaceen. Halkii ay shacabku dhageysan lahayeen sababaha kalifay dhiibista Qalbi Dhagax ee xukumaddu ay soo bandhigtay,  waxaa midaa badalkeeda dhacay in shacabku ay Qalbi-sammi hore leh u muujiyaan Qalbi Dhagax oo ay u arkaan in Xukuumaddiisa inay khiyaameeysay

Si loo xaqiijiyo in dowladdu ay kasbato kalsoonida shacabka, xukuumada R/wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Farmaajo waa inay si degdeg ah u bilaabaan baaritaan madax bannaan oo deg-deg ah oo lagu sameeyo kiiska Qalbi Dhagax. Marnaba hore uma dhicin in muwaadin Soomaali ah ay dowlad Soomaaliyeed u gacan galiso Itoobiya waana muhiim in natiijada rasmiga ah ee ka soo baxda baadhitankaasi madaxa banaan loo soo bandhigo bulshadda, midaas ayaa niyad-sami ku abuuri karta bulshada isla markaasna dan u ah Soimaaliya iyo Ethiopia, waxaa cad in natiijo walba oo ka soo baxda baaritaankan dhab ahaantii, jirayaan sababo muhiim oo ku kalifay inay dowladu qaado talabadaasi ay ku dhiibtay Abdikarim, laakiin taasi marnaba ma kaafin karto suurtagalnimada ah ku-xadgudubka xuquuqda aadanaha ee Qalbi Dhagax, gaar ahaan, xaq-u-lahaanshiyaha Xoriyadda iyo Maxkamadeyn xor ah iyo Caddaalad ka hor inta aan la dhiibin oo ay ahayd in la marsiiyo.

Iskaashiga amniga ee Itoobiya iyo urur weynaha IGAD ee gobolka geeska Afrika oo ay ku jirto isku soo gacan gelinta dambiilayaasha waa mid muhiim u ah horumarka Geeska Afrika. Hase yeeshee, wadas-haqayntan waa in ay noqotaa mid daah-furan, oo ay ansixiyaan Golaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka isla markaasna ay waafaqsantahay Sharciga madaniga ah iyo midka Caalamiga ah. Wax kasta oo ka soo hara intaasi waxay noqoneysaa talaabo si sharci darro ah loo qaaday oo xad-gudub ku ah awooda dowladnimo.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo hadda waxay ku fashilantay inay qaadato nidaam wadashaqeyn ee laamaha kala duwan ee dowladda. Waxaa si cad u muuqda in Golaha Wasiirada iyo barlamaanka aanay isku raacsanayn arrinka Qalbi Dhagax, waxaaana intaas dheer in istaraatejiyadda warbaahinta ee kala-socodka ah iyo jawaab la’aanta arrinta Qalbi Dhagax ay kaliya shaki dheeraad ah sii galinayso bulshadda oo markoodii horeba ka careysaa sida ay wax u dhaceen. Kaliya baaritaan madaxbannaan ayaa xal u noqon kara dhacdadan kicisay dareenka shacabka Soomaaliyeed.

SHARE