Munaasabadda furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ka socota

1011

Muqdisho (UM) – Waxaa xarunta Iskuul Boliisiya ee magaalada Muqdisho ka socda Xafladda furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxa Qaranka oo ugu horreeyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo , Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiiro, Xildhibaannada labada Gole , Guddoonada Golayaasha Baarlamaanada dowlad Goboleedyada dalka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wakiilka Qaramada Madoobay ee Soomaaliya Micheal Keating, danjiriyaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo marti sharafkale.

Waa markii ugu horresay taariikhada oo labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si wadajir hal fadhi, hal maalin loo furo.

Waxaa si rasmi ah u furi doono kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.