Madaxwaynaha dalka Koonfur Afrika (South Africa) Jacob Zuma, ayaa cadaadis Ku batay ka dib markii xisbigiisa talada haya African National Congress (ANC) ay u sheegeen inuu xafiiska baneeyo.
Guddiga fulinta xisbiga ANC, ayaa ka shiray mustaqbalka madaxwaynaha waqtigiisa fadeexaduhu ay halakeen ee dalka Koonfur Afrika.
Xoghayaha guud ee xisbiga ANC Ace Magashule, ayaa goor dhow maanta oo Tallaado u ah warbaahinta u sheegay inay go’aansadeen in Jacob Zuma, uu xafiiska baneeyo.
Ace Magashule, waxaa uu sheegay inaanu jirin waqti rasmi ah oo loo qabtay madaxwaynaha taasi oo uu xafiiska ku banaynayo.
Sidoo kale, waxaa uu xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee ANC, sheegay in xubnaha guddiga fulinta aan ka wada-hadlin Mooshin kalsooni kala laabasho ah oo ka dhan ah Zuma.
Madaxwaynaha cadaadiska uu saaran yahay ayaa diidi kara dalabka uga yimid xisbigiisa, hase ahaatee haddii tallaabadaasi uu qaato waxaa uu wajihi karaa in baarlamaanka dalkaasi ay ka doodaan mooshin kalsooni kala laabasho ah kaasi oo xisbiga uu baarlamaanka u soo gudbin karo.
Haddii ay taasi dhacdo waxaa cad in xilka uu wayn doono maaddaama xisbiga difaaci lahaa uu Ku beertay kalsooni daro.
Jacob Zuma, ayaa ah nin xisbiga ANC Ku soo biiray sanadka markuu ahaa 1958-dii, isagoo lagu tirin jiray xubnaha laf-dhabarka u ah xisbiga ANC.