Zimbabwi: Madaxweyne Mugabe oo iscasilay

1071
Robert Mugabe waxa uu Zimbabwe ka talinayay tan sanaddii 1980 Photo/ Reuters

Madaxweynihii dalka Zimbabwi Robert Mugabe ayaa iscasilay si lama filaan ah kaddib 37 sano oo uu xunka hayay. Mr Mugabe ayaa iskiis isku casilay isagoo waraaq uu qoray Baarlamaanka uu ka akhriyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Zimbabwi ka hor inta uusan bilaaban mooshin xilka looga qaadi lahaa.

Madaxweyne Mugabe ayaa waxa caadis xoogan uga imaanayay dadweynaha reer Zimbabwi iyo xisbiga Zanu-PF oo ugu baaqayay inuu awooda baneeyo si loo soo afjaro khalalasaha siyaasadeed.

Xisbiga talada haya ee Zanu-PF ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenkii hore Emmerson Mnangagwa uu bedeli doono Mr Mugabe, waxaan la filyaa in xilka madaxnimo ee Zimbabwi maanta loo dhaariyo. Mr Mugabe oo 93 jir ah aya ahaa hoggaamiyaha ugu da’d wayn dunida ee waddan madaxweyne ka ah.

Iscasilada Madaxweyne Mugabe ayaa ah waa cusub oo u beryay dadweynaha reer Zimbabwi, balse waxan la hubin mustaqbalka siyaasadeed ee Zimbabwi.

SHARE