Zimbabwe oo siyaasi caan ah xirtay

811

Dawladda dalka Zimbabwe ayaa xuduudda dalka Zaambiya ka qabatay siyaasi ka tirsan xisbiga mucaaradka MDC  oo lagu magacaabo Tandei Biti, kaas oo isku dayay in uu u baxsado dalka Zaambiya si u weydiisto mangalyo siyaasadeed.sidaas waxaa wakaaladda wararka AFP u sheegay qareenkiisa.

Tandei Biti oo ka tirsan masuuliyiinta sarsare ee xisbiga MDC ayaa ka mid ahaa tobon qof oo lagu eedeeyay in ay abaabuleen rabshadihii ka dhacay dalka Zimbabwe kaddib doorashadii   dalkaas ka dhacday.Dawladda Zimbabwe ayaa u heysata Biti in uu wax ka abaabulay rabshadahaas oo keenay dhimashada dad rayid ah .

Siyaasigaan  ayaa horay usoo noqoday wasiirkii maaliyadda intii ay jirtay dawladdii waddaagga aheyd ee sanadihii 2009 ilaa iyo 2013.