Zimbabwe oo madaxweyne cusub dooraneysa

888

Dadweynaha dalka Zimbabwe ayaa manta u dareeray goobaha cod bixinta si ay u doortaan madaxweynaha  dalkooda hoggaamin doona  iyo sidoo kale xubnaha baarlamaanka ku matali doona.

Musharraxiin gaaraya 29 oo isugu jira 19 rag ah iyo 4 dumar ah ayaa u tartamaya madaxweynimada dalka Zimbabwe, ha yeeshe tartanka ugu adag ayaa la leeyahay waxa uu u dhaxeeya xisbiga Zanu PF ee uu hoggamiye madaxweynaha talada haya iyo xisbiga MDC oo ah xisbiga ugu  adag xisbiyada mucaaradka.

Dad gaaraya shan milyan ayaa is diiwaan galiyay si ay uga qayb qaataan doorasho uusan ka qayb galeyn madaxweynihii xilliga dheeraa, Robert Mugabe.

Waa doorasho leh mudnaanteeda maxaa yeelay waxa ay kala caddeynee in madaxweynaha hadda jooga Emerson Mnangagwa uu talada sii heyn doono, iyo in qof kale baddali doono.Laakiin dadka saadaaliya siyaasaddaZimbabwe waxay qabaan in ay adagtahay in doorasho looga adkaado madaxweyne Mnangagwa maadaama uu yahay madaxweynaha talada haya.

Madaxweynihii hore Robert Mugabe oo shalay shir jaraaid qabtay aaya sheegay in uusan taageeri doonin kuwa uu ku sheegay in ay si xun ula dhaqmeen.

Goobaha cod bixinta oo furmay 7da subaxnimo xilliga dalak Zimbabwe  ayaa lagu wada in ay soox irmaan 7da fiidnimo xilliga Zimbbawe.Natiijada doorashada ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta sabtida, iyada oo haddii labada xisbi midkood uu heli waayo 50 boqolkiiba la qaban doono doorasho kala reeb ah bisha September.