Yuusuf Garaad: Doorashada Galmudug sababo badan oo lagu diidi karo ayaa jira

933
Yuusuf Garaad Cumar wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya. Sawir hore: Villa Somalia

Muqdisho – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Ambassador Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in ay jiraan sababo badan oo lagu dhaliili karo ama lagu diidi karo doorashada Madaxweynaha ee dhawaan ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

Ambassador Yuusuf Garaad oo inkasta oo uusan xusin sababana muuqada ee uu sheegay in lagu diidi kara ama lagu dhaliili karo doorashada Galmudug ka dhacday, ayuu hadda soo dhaweeyay hoggaanka cusub ee dowlad Goboleedka Galmudug uu yeeshay.

“Doorashada GalMudug sababo badan oo lagu dhaliili karo ayaa muuqda. Xataa kuwo lagu diidi karo waa jiraan”. Ayuu ku yiri Yuusuf Garaad qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Danjire Yuusuf Garaad ayaa hadalkiisa sii raaciyay in lala shaqeeyo maamulka cusub ee dhawaan la doortay ee uu hoggaamiye madaxweyne Qoorqoor.

“Aragtideyda, danta guud waxay ku jirtaa in maamulka uu Federaalku aqoonsan yahay ee ay Hoggaamiyaan Madaxweyne Qoorqoor iyo Guddoomiye Gacal iyo ku xigeennadooda lala shaqeeyo, lagana shaqeysiiyo”. Ayuu raaciyay qoraalkiisa.

Wasiirkii hore arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad, sidoo kalena ah siyaasi aad uga faallooda arrimaha gudaha dalka ayaa ugu baaqay madaxweynaha Galmudug, Guddoonka Baarlamaanka iyo Golaha Baarlamaanka in ay la heshiiyaan xoogagga Gobolka la jooga, kana shaqeeyaan isu soo celinta Baarlamaanka aanay marti uga noqon kana sugin cid kale.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa dhawaan doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb loogu doortay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladdo ay Mareykanka ka mid tahay ay aqoonsadeen natiijada ka soo baxday.