Muqdisho (UM) – Wasiirkii hore arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Ambassador Yusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in ay la gudboon tahay Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya in ay ka laabtaan go’aankii ahaa in ururka ONLF uu yahay urur argagixiso ah.
”Si la isu waafajiyo mawaaqifta Golayaasha dalka (Fulin iyo Sharci-dejin) iyo weliba habdhaqanka Madaxda Qaranka, ama aan si kale u dhigee si loogu hoggaansanaado go’aanka Baarlamaanka, Golaha Wasiirrada waxaa la gudboon in uu ka noqdo go’aankiisa ahaa in ONLF uu yahay urur arga-gixiso ah”. Ayuu yiri Ambassador Yusuf Garaad oo bartiisa Facebook-ga qoraal Kooban soo dhigay.
Hadalka Ambassador Yusuuf Garaad ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu magaalada Asmara ee dalka Eriteriya kula kulmay Madaxa ururka ONLF, iyadoo la sheegay in madaxweynuhu raali geli ka bixiyay dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.
Dowladda Itoobiya ayaa Cabdikariin Qalbi Dhagax xabsiga ka siidaysay horrentii bishii July ee sanadkaan.