Yurub oo mar kale xayiraad galaysa Corona Fayras awgiis

170
Dalalka Yurub ugu dhaqaalaha wayn oo mar kale xayiraad lagu soo rogo Covid-19 awgiis.

Labo ka mid ah dalalka ugu dhaqalaha wayn Yurub ayaa soo celiyay xayiraada lagu xakameynayo cudurka Fayraska Corona kadib markii ay kordheen kiisaska iyo dhimashada xanuunka coronavirus.

Laga bilaabo Jimcaha dadka ku nool Faransiiska waxaa loo ogolaan doonaa oo kaliya inay ka baxaan guryahooda shaqo muhiim ah ama sababo caafimaad awgood marka ay jirto.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalku uu qatar u galay in “ay cirka isku shareerto mawjada labaad xanuunka Corona Fayras oo aan shaki ku jirin inay ka adkaan doonto tii hore”.

Jarmalka, dhanka kale, wuxuu soo rogayaa “xayiraad” dalka oo dhan ah iyadoo ka khafiifinayo.

Tallaabooyinka dhaqan galaya Isniinta waa ka daran yihiin Faransiiska, laakiin waxa ka mid ah goobaha la xirayo makhaayadaha, baararka, goobaha jimicsiga iyo tiyaatarada, ayay tiri haweeneyda hogaamiyaha ka ah Jarmalka Angela Merkel.

Tirada dhimashada xanuunka Covid-19 ee dalalka Yurub ayaa aad kor ugu kacday.

Xanuunka Covid-19 ayaa si aad ah ugu sii kordhaya Yurub oo dhan, oo ay ku jiraan Boqortooyada Ingiriiska oo Arbacadii shaacisay 310 dhimasho cusub iyo 24,701 xaaladood oo cusub.

SHARE