Yoweri Museveni: Waan jeclahay Daacadnimada Trump ee Afrika

529

Madaxwaynaha dalka Uganda Yoweri Moseveni ayaa sheegay inuu jeclaaday Daacadnimada Madaxwaynaha dalka Maraykanka ee ku aadan Qaaradda Afrka.

Yoweri Moseveni, oo khudbad u jeedinayay baarlamaanka Bariga Afrika oo shirku yeeshay caasimada dalka Uganda ee Kampala.

Waxaa uu sheegay in Donald Trump daacad ay ka tahay markii bilowgii bishan dalalka afrika uu ku tilmaamay ‘’Qashin’’ shitholes” islamamarkaana uusan la yaabin hadalkaasi ka soo yeeray madaxwaynaha dalka Maraykanka.

’’ Maraykanka waxaa ay heleen madaxwaynihii ugu ficnaa abad soo mara dalkaasi’’ ayuu yiri Museven.

’’ Waan jeclahay Trump maxaa yeelay waxaa uu ka run sheegay Afrika. Waxaa ay Afrika u baahan tahay inay ayadu dhibaatadeeda xalisato islamarkaana ay ahaadaan kuwoxoogan’’ ayuu madaxwaynaha dalka Uganda sheegay.

’’  Adduunkan, Ma badbaadaysid haddii aad tahay mid tabar-daran, waa qaladka Afrikaanka inay ahaadaan kuwo tabar-daran islamarkaana lagu tilmaamo kuwo qashin ah’’ ayuu intaasi raaciyay Yoweri Moseveni.

SHARE