Yoweri Museveni oo ku Guuleystay Doorashada Ugandha

130

Guddiga doorashada dalka Ugandha ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada doorashada Madaxweynenimo iyada Yoweri Museveni la shaaciyay in uu ku guuleystay. Museveni ayaa sii xajisanaya xukunka dalkaas oo uu hayay  muddo 35 sano ah.

Madaxweynaha dalka Ugandha ayaa helay codad gaaraya 5.85 Milyan oo u dhiganta 58.64 tirada boqoleyda. Halka ninka ay sida weyn isku hayaan ee Bobi Wine  uu helay cod gaaraya 3.48 oo u dhiganta 34.83 tirada boqoleyda.

Hoggaamiyaha mucaaradka Bobi Wine ayaa ka horyimid natiijada doorashada isaga oo sheegay in uu hayo muuqaal iyo caddeymo muujinaya wax isdaba marin. Taageerayaashiisa ayuu ugu baaqay inay diidaan natiijada doorashada.

Ciidanka Ugandha ayaa roondo ku sameynaya waddooyinka magaalada Kampala, iyada oo walina uu maqanyahay Internetka oo la damiyay maalin ka hor doorashada dalka Ugandha.

Robert Kyagulani oo caan ku ah magaca Bobi Wine ayaa ah 38 jir fanka siyaasadda uga xuub siibtay. Waxa uu si weyn u diiddanyahay xukunka Madaxweyne Museveni oo uu wacad ku maray in uu sooo afjari doono.

Ciidanka dalka Ugandha ayaa hareereeyay gurigiisa iyaga oo wariyaasha caalamiga ah u diiday inay galaan guriga uu degganyahay.

SHARE