Yoshihide Suga oo noqonaya Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Japan

458
Yoshihide Suga ayaa loo doortay Hoggaamiyaha cusub ee xisbiga talla haya ee Japan, isagoo si rasmi ah noqon doono Ra’iisul Wasaare Arbacada. Sawirka: Kim Kyung-Hoon/Reuters

Yoshihide Suga ayaa loo doortay inuu hogaamiye ka noqdo xisbiga tallada haya ee dalka Japan Liberal Democratic Party (LDP), taas oo dhabaha u xaaraysa inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha xiga ee dalka.

Sidii la filaayey, Suga wuxuu si fudud ugu guuleystey codbixintii Isniintii si uu u doorto qofkii bedeli lahaa Raiisul Wasaare Shinzo Abe, kaasoo ku dhawaaqay bishii Ogoosto inuu xilka uga tagayo xaalado caafimaad awgood.

Mr Suga oo ahaa xoghayaha golaha wasiirada, ayaa ku guuleystay cod gaaraya 377 wadar ahaan 534 cod oo uu kula tarmayay laba musharax oo kale, Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Shigeru Ishiba iyo Wasiirkii hore ee arimaha dibada Fumio Kishida.

Marka la fiiriyo aqlabiyadda sharci dejinta ee Xisbiga LDP, Suga ayaa la filayaa inuu si gacan taag ah ugu guuleysto codbixinta baarlamaanka Arbacada.

Suga oo ah lataliye dowladeed oo awood badan isla markaana ah afhayeen, Suga oo 71 jir ah ayaa loo arkaa inuu yahay mid adkaynaya xasiloonida siyaasadda isla markaana sii wadaya siyaasadihii Ra’iisul Wasaare Abe.

Wuxuu si gaar ah u sheegay in musharaxnimadiisa ay ku kaliftay hamiga ah inuu sii wado barnaamijyada raiisul wasaaraha xilka ka degaya.

Kadib doorashadiisii ​​hogaamiyaha LDP, Suga wuxuu u mahadceliyay Abe wuxuuna wacad ku maray inuu horay usii wadi doono isbadellada iyo dib u habaynta.