Diyaaradaha dagaalka Xulafada Sacuudi Carabiya ay hogaamiso oo dagaalka kula jira kooxda Xuuthiyiinta dalka Yemen, ayaa duqaymo kala duwan ka gaystay magaalada Sanca, ee caasimadda dalka Yemen.
Duqaymaha ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday dhismayaal ay ka mid yihiin dhismaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Xuuthiyiinta iyo dhismayaal kale oo muhiim u ah kooxda Xuuthiyiinta.
Television Al Ekhbariya, oo ah TV ay leedahay dowladda Sacuudi Carabiya ayaa baahiyay in duqaynta lagu dilay in ka badan 50 qof oo ka tirsan kooxda Xuuthiyiinta.
Al Ekhbariya, ayaa sidoo kale Ku waramay in dhismaha wasaaradda Arrimaha Gudaha la duqeeyay xili saraakiil sar sare oo Xuuthiyiinta ka tirsan ay shir Ku lahaayeen hallaasi.
Xuuthiyiinta ayaa xaqiijiyay in dhismayaal Ku yaala magaalada caasimadda ah ee Sanca la duqeeyay hase ahaatee kama hadlin qasaaraha weerarka ka dhashay.