Yaa ka dambeeyay Qarixii lala beegsaday madaxwaynaha Zimbabwe

777

Ka dib markii dhawaan Qarax lagu khaarajin rabay uu ka badbaaday Emmerson Mnangagwa Madaxweynaha Zimbabwe  ayuu sheegay inuu ku tuhunsan yahay in koox xiriir la leh Grace Mugabe ay ka dambeeyeen qaraxii dhawaan ka dhacay dalkaasi.

Emmerson Mnangagwa ayaa sheegay in uu Qaraxaasi ay ka dambaysay Xaaska Madaxweynihii hore Robert Mugabe ,laakiin wali ay socdaan baaritaano.

Mnangagwa wuxuu BBC-da u sheegay in koox lagu magacaabo G40 oo ay taageerto xaaskii madaxweynihii hore ee Zimbabwe ay qaadeen qaraxii dhawaan lala beegsaday isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Bulawayo.

Qaraxaasi waxaa ku dhintay 2 qof halka in kabadan 40 qof ay ku dhawaacmeen.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi.