Xuutiyiinta Yeman oo weeraray xarunta shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramaco

585

Weerar ay fuliyeen diyaaraha aan duuliyaha lahayn ee ay sheegteen fallaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa sababay dab ka kacay laba xarumood oo waaweyn oo ay maamusho Shirkada shidaalka Sacuudiga ee Aramco, oo ah tan ugu weyn ee shidaalka soo saara ee Sacuudiga uu leeyahay.

Mas’uul u hadlay wasaarada arimaha gudaha ayaa u sheegay wakaalada wararka ee sacuudiga sabtidii in hoobiyaasha lagu garaacay xarumaha ku yaal magaalada Abqaiq – oo ay ku jiraan warshada ugu weyn ee shidaalka baara – iyo Khurais.

“4.00am (01:00 GMT) kooxaha nabadgelyada ee warshadaha ee Aramco waxay bilaabeen inay wax ka qabtaan dab ka kacay laba xarumood oo ku yaala Abqaiq iyo Khurais taas oo ka dhalatay … diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,” ayay tiri.

Wasaaraddu ma aysan sheegin halka uu ka yimid weerarka waxayna sheegtay in baaritaanno ay socdaan. Ma aysan cadeynin in ay jiraan wax qasaaro ah ama in howlo ka dhacay labada xarun ay saameyn ku yeesheen. Balse waxa ay sheegtay in dabka la xakameeyay.

Muuqaalo baraha internetka la soo dhigay waxay muujinayaan qiiq kor u kacaya xarunta shirkadda ee ku taal magaalada Abqaiq iyadoo wax u muuqday rasaas laga maqlayay gudaha xarunta.

Xuutiyiinta waxay sheegeen in weeraradan ay fuliyeen 10 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah isla markaana ay ballanqaadeen inay ballaarin doonaan baaxadda weerarradooda ay ku hayaan Sacuudiga, oo hoggaamisa dagaalka isbahaysi milatari oo ka dagaallamaya dalka dariska leh ah ee Yemen.