Xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka oo Muqdisho lagu qabtay

1131
Xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka. Sawirka: SONNA

Muqdisho (UM) – waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka. Munaasadaan ayaa waxa ka qeybgalay marwada kowaad ee dalka Zaynab Cabdi Macalin iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kale duwan ee bulshada.

Marwo Zaynab ayaa sheegtay halgankii dheeraa ee haweenka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen xoriyadda, dowladnimada iyo nabaddeynt ay tahay in xuso laguma bogaadiyo Haweenka Soomaaliyeed, iyadoona muujisay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista nolasha haweenka Soomaaliyeed taas oo lafdhabar u ah horumar muuqda oo ay ku tallaabsadaan dhammaan bulshada.

Waxa ay ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan Bangiyada, in ay haweenka dalka ku maalgeliyaan ganacsiga yar yar oo faa’iid u leh qoysaska danyrta ah.

Waxa ay sido kale sheegtay in ay muhiim tahay in xoogga la saaro sidii hooyooyinka Soomaaliyeed iyo dhallaanka ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad iyo waxbarasho.

Inta badan guud ahaan  Gobollada dalka ayaa laga xususay maalinta caalamiga ah ee Haweenka.

Maalinta caalamiga ah ee Haweenka oo ku beegan 8 bisha Maarso ayaa sanadka kasta dunida laga xusaa iyadoo lagu soo bandhigo guulaha iyo sidda Haweenka bulsho kasta ay la lafdhabar ugu yihiin.