Xulafada Sacuudiga oo maalintiiba 20 jeer duqeeya dalka Yemen

694

Warbixin Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in Xulafada dowladda Sacuudiga ay hogaamiso ee Ku lug leg colaadda dalka Yemen ka taagan inay dileen Carruur fara badan.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in xulafada sacuudiga maalin walba ay dalka Yemen ka geeystaan duqayn lagu qiyaasay maalintiiba 20 jeer.

Bilihii Julay illaa iyo September ee 2017 ayaa waxaa la sheegay in duqaymaha Sacuudiga iyo xulafadiisa Carabta lagu dilay 68 carruur ah.

Duqaymaha ayaa qaarkood waxaa la sheegay in lala beegsaday Iskuulo iyo guryo dad shacab ah ay degan yihiin.

SHARE