Xukuumadda R/Wasaare Rooble soo dhisay oo maanta Baarlamaanka la horgeeynayo

75
Golaha dhawaaqay Ra'iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble. Sawirka/OPM

Muqdisho – Waxaa maanta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la horgeeynayaa Golaha Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa hadda socda qabanqaabada kalfadhiga gaar ah ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ku leeyihiin xarunta Villa Hargeysa ee Baarlamaanka.

Kulanka ayaa la filayaa in kulan hadal ka jeedo Ra’iisul Wasaare Rooble oo xubnaha Baarlamaanka u sharaxi doono Xukuumadda uu soo dhisay iyo Barnaamijka Xukuumaddiisa.

Golaha cusub ee wasiirada ayaa la filayaa in la ansixiyo oo isla meesha lagu dhaariyo.

Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare soo dhisay ayaa waxaa ku jira xubno cusub oo dhallinyaro u badan iyadoo sidoo kalena inta badan wasiiraddii muhiimka ahaa ee Xukuumaddii hore ay soo laabteen.

SHARE