
Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa shaaca ka qaaday in la xoojinaayo shaqada ay qabtaan ciidanka Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.
Khayre ayaa sheegay sanadkaan 2018-ka in Miisaaniyada loo kordhiyay Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka ,islamarkaana lagu daray qarash dheeri ah oo ku saabsan shaqada ay qabato NISA.
Wuxuu sheegay Xukuumadda Sooamaliya inay ka go’an tahay sare u qaadida shaqada Nabad Suggida si loo qabto shaqooyin muhiim u ah dalka.