Xukuumadda Ciraaq oo ku dhawaaqday duulaan lagu qabsanayo Talcafar

919

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay duulaan ka dhan ah kooxda isugu yeerta khilaafada islaamka ee Daacish ee ka dagaalanta dalkaasi.

Xaydar al-Cabaadi ayaa sheegay inay doonayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta magaalada Tal Afar oo ah magaaladii ugu dambeesay ee ay ku xooganyihiin kooxda Daacish.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay telefishinka qaranka, waxaana uu intaa ku daray in kooxda Daacish ay u furantahay laba wado oo kala ah, inay isa soo dhiibaan ama in la dilo.

Magaalada Tal Afar ayaa sidoo kale waxaa ku harereesan ciidamada dowladda Ciraaq, dagaalyahanada shiicada iyo kuwa Peshmerga-ka. Waxaana sidoo kale magaalada dul hehaabaya diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo kuwa ciidamada Ciraaq, kuwaa oo duqeynaya magaalada kahor duullaanka uu ku dhawaaqay ra`iisul wasaaraha dalkaasi.

Magaalada Tal Afar ayaa sideetan kilomitir u jirta magaalada Mousil oo dhawaan laga qabsaday kooxdaasi.