War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba shaqada laga joojiyay, isla markaana dalka laga mamnuucay inay kahowlgasho hey’adda Sahan Research, taasi oo la sheegay inay ku socoto baaritaano.
Sababta joojinta shaqo, ayay Wasaaradda Amnigu waxey ku sheegtay arrimo la xirira amniga dalka, iyadoo qoraalka shaqo joojinta la sheegay in loo diray Deeq bixiyayaasha Calamka, hay’adaha Qaramada Midoobey hoostaga iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya arrimaha samaafalka.
Sababaha loo cuskaday shaqo ka joojinta, ayaa sidoo kale lagu sheegay iney ku saabsantahay; Amniga Qaranka, Xasiloonida iyo midnimadda dalka.
Wasaaradda amniga ayaa sheegtay in cidii ku xad-gudubtaa go’aanka dalka looga mamnuucay hey’adda Sahan Research in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Hey’adda Sahan Research waxaa agaasime u ah Matt Bryden oo hore u soo noqday iskuduwaha Kooxda la socodka xayiraadaha hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea (Monitoring Group) intii u dhaxeysay 2008 illaa 2012.
Illaa hadda ma cadda nuuca shaqooyinka ay hay’addani ka qaban jirtay Soomaaliya iyo inay xafiisyo ku lahayd gudaha dalka.
Halkan hoose Ka Aqriso Qoraalka Wasaarada amniga: