Xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda oo si adag ugu soo horjeestay warbixintii Guddiga

977

Muqdisho (UM) – Xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka ayaa warqad tabasho ah oo la xiriirta Warbixin Maaliyadeedka meel-marinta qoondada miisaaniyadda 2018 u gudbiyay guddoonka Golaha Shacabka.

Xubnaha ka tirsan Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ayaa ka soo horjeestay warbixinta dhawan Guddigu siidayay oo eedeymo culus oo musuqmaasuq iyo wax isdaba marin Maaliyadeed loogu jeediyay hey’adaha dowladda.

Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ayaa Golaha Shacabka u aqriyay warqada tabashada oo ay soo saareen isagoo sheegay in dhammaan xubnaha Guddiga aysan ku raacsanayn iyadoo aysan warbixintaan marin hab raaca Baarlamaanka.

10 xubnood ee ka tirsan Guddiga ee ka soo horjeestay warbixinta ayaa sheegay sidoo kale in xubnaha kale ee Guddiga aysan ka talagelin warbixinta.

Guddoomiye ku xigeen Guddiga Maaliyadda Maxamed Soomaali iyo xubanaha Guddiga ayaa sheegay in warbixinta Guddiga ay ahayd mid Sharciga aan waafaqsanayn, la siyaasadaysan sidoo kalena u adeegsay dano shaqsi ah. Waxa ay sheegeen in ay ahayd warbixin marinhabaabin ah oo ay tahay in baarlamaanka laga raaligeliyo.

Xoghayha Guud ee Guddiga Maaliyadda Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in sheegada xubnaha Guddiga ee ka soo horjeestay aysan waxba ka jirin, isagoo sheegay in xubnaha hadda ka soo horjeestay warbixinta Guddiga ay u soo dhaweeyeen warbixinta.

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur Nur ku eedeeyay dowladda in ay siyaasadasay warbixinta ayna laaluushtay xubanaha Guddiga si ay u beeniyaaan in ay qeyb ka ahaayeen diyaarinta warbixinta, waxa uuna diiday in uu raaligelin ka bixiyo warbixinta sababtoo ah waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in ay sax tahay.

Guddiga Maaliyadda ayaa ku dooday in ay hayaan xubnaha hadda sheegay in aysan ka qabgelin diyaarinta warbixinta Sawiro iyo caddeymo muujinaya in ay ka qeybgaleen shirarkii lagu diyaariyay warbixinta.

Halkaan ka akhriso warqada ay Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyeen.