Garsoore Ruth Ginsburg oo ka tirsaneyd maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa geeriyootay iyada oo da’adeedu tahay 87 sano. Ginsburg ayaa maxkamadda ka shaqeyneysay muddo 25 sano ah. Waxa ay ku geeriyootay da’da 87.
Ginsburg ayaa in muddo ah la tacaaleysay kansarka uga dhacay xameetida oo jirkeeda oo dhan ku faafay,ugu dambeyntiina sabab u noqday geerideeda.
Waxay ahayd qofka ugu da’da weyn maxkamadda sare ee Mareykanka.
Ginburg oo uu magacaabay Madaxweyne Bill Clinton sanadkii 1993 ayaa ka mid ahayd garsoorayaal dhawr ah oo lagu tiranayo inay yihiin kuwa u janjeera dhankaa iyo xoriyadda ama liberaaliyada.
Madaxweyne Trump ayaa garsoorehaan geeriyootay ka doorbiday kuwa u janjeera dhanka xisbigiisa Jamhuuriga ah, waxaana jagada ay baneysay ay noqon doontaa mid aad loogu loolamo.