Xubin Sare oo ka tirsan Mucaaradka dalka Masar oo la xiray

768

Booliiska dalka Masar ayaa xabsiga u taxaabay musharixii hore ee xilka madaxtinimada dalkaasi Cabdul Munaym Cabdul Fatuux, kaasi oo ah hogaamiye sare oo mucaarad ah.

Cabdul Munaym Cabdul Fatuux, ayaa la xiray ka dib markii dacwad oogaha dalka Masar sida uu baahiyay Television-ka Qaranka dalka Masar.

Siyaasigan ayaa lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay ururka gudaha Masar ka mamnuucan ee Ikhwaanul Muslimiin.

Wiil uu dhalay Mr Cabdul Fatuux, ayaa bartiisa Facebook-ga waxaa uu Ku xaqiijiyay xariga aabihiis loo gaystay.

Cabdul Fatuux, ayaa ka tirsan xisbiga Dhexe ee loo yaqaano Strong Egypt Party.

Madaxwaynaha dalka Masar Cabdul Fataax El Sisi, ayaa dalka ka wada olole uu isaga hor qaadayo xubin kasta oo uu u arko inuu xilka kula tartamo.