Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ergay cusub u soo magacaabay Soomaaliya

1182
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.Nicholas haysom.

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonie Guteres ayaa Nicholas Haysom oo Koonfur Afrikaan ah u magacaabay ergayga gaarka ah iyo madaxa  Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Waxa uu laga bilaabo koowda October baddali doonaa Micheal keating oo ahaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Nicholas Haysom waa garyaqaan  in muddo ah ka shaqeynayay hawlaha laxiriira dib u dhiska qaramada burburay sida  Afghaanistaan ,Ciraaq, sidoo kale waxa uu horseed ka ahaa dhawr wada xaajood lagu dhameynayay colaadaha waddamada qaar sida labada suudaan iyo Burundi.

Shaqooyinka uu soo qabtay

Nicholas Haysom waxa uu leeyahay taariikh dheer oo dhinaca hawlaha caalamiga ah isaga oo shaqooyin kala duwan u qabtay Qaramada Midoobay. Intii aan loo magacaabin shaqadaan cusub waxa uu ahaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan  iyo Koonfurta suudaan tan iyo sannadkii 2016kii. Ka hor waxa uu ahaa ergaygii gaarka ahaa  iyo waliba madaxii hawlgalka Qaramada Midoobay ee Afghanistaan(UNAMA) sanadihiii 2014-2016. Isla sanadihii 2012ka iyo 2014 waxa uu ahaa ku xigeenkii madaxii hawlgalka Qaramada midoobay ee dalka Afghanistaan.

Nicholas Haysom oo taariikhdiisa inta badan ka soo shaqeeyay Qaramada Midoobay ayaa noqday agaasimihii siyaasadda, nabad ilaalinta iyo bini aadanimada xafiiska  fulinta Qaramada Midoobay laga soo bilaabo  2007dii ilaa 2012kii.intii uusan agaasime ka nqon xafiiska fulinta xogahayaha  guud ee Qaramada waxa uu  madax u ahaa xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Ciraaq siinayay taageerada dhanka dastuurka  intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2007.

Waayo aragnimadiisa dhanka xallinta khilaafyaad la xiriira dastuurka waxa ay la soo bilaabatay shaqadiisii dawladdii uu madaxda ka ahaa Nelson Mandela taas oo uu u ahaa la taliyaha guud ee dhanka sharciga  ee xafiiska madaxweyanaha dalka koonfur Afrika sanadkii 1994tii ilaa iyo 1999kii.

Si taas la mid  ah waxa u si weyn ugu lug lahaa wadahadladii dalka Burundi iyo wada xaajoodkii la xiriiray sameeynta dastuurka dalka Burundi  isaga oo ahaa ergayga gaarka ah ee madaxweynihii hore Nelson Mandela u qaabilsan xallinta khilaafkii dalka Burundi. Waxa uu ku hawllanaa arrimaha Burundi laga bilaabo  1999 ilaa iyo 2002 dii. Sannadkii 2002 ilaa iyo 2005  waxa u la taliye u ahaa garwadeenkii wadahadalada dalka Suudaan ee u dhaxeeyay dawladda Suudaan iyo kooxdii SPLA .

Nicholsa Haysom  waxa uu dhashay1952dii waana aabe leh shan carruur ah. Waxbarasho ahaan waxa uu ka qalinjabiyay jaamacadaha Natal iyo Capetown oo uu ka bartay sharciga.