Muqdisho (UM) – Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Buux ayaa war qoraal oo uu soo saaray ku xaqiijiyay in Hindisihii Mooshinka xilka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya
uu buray kaddib markii ay caddeymo qoraal ah soo gudbiyeen 14 xildhibaan oo ku saxiixnaa iyagoo sheegay in lagaga been abuurtay.
Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa warqad qoraal ah u diray Guddoomiyaha iyo labadiisa Ku Xigeen ku xaqiijiyay in tirada rasmiga ah ee soo gudbisay mooshinka uu tahay 78 xildhibaan, sidaas darteedna uusan ahayn mid Golaha la horgeyn karo.
“Mudane Guddoomiye, aniga oo gudanaya waajibkayga ah masuulka maamul ahaan Golaha ugu xilsaaran xaqiijinta dukumintiyada Golaha, tirada qoraallada saxiixyada, soojeedinta naloo soo gudbiyay oo dhammaa 92 (sagaashan iyo labo) haddii laga jaro 14 (afar iyo toban), waxaa kusoo haraya Hindisaha 78 (toddobaatan iyo sided). Haddaba tirada xildhibaannada ku soo haraya Hindisahan ee xaqiiqda ah ma buuxinayo tiradan uu qodobka 92aad, farqada 2aad ee Dastuurka KMG oo sharciyeedu ansax ku noqon karto saddex meelood meel.” Ayuu ku yir Xoghayaha Buux warqad uu soo saaray.
Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale ku wargeliyay Guddoonka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan in Hindisaha xil ka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya ee la soo gudbiyay (09/12/2018) uusan soo buuxin shuruudihii dastuuriga ah ee u xusan warqadda.
Labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka ayaa shalay shir ay qabteen ka sheegay in la hikiyay hawlaha Golaha Shacabka inta laga xalinayo khilaafka jira.


























