Xoghayaha difaaca Mareykanka oo ka horyimid adeegsiga milatariga si ay rabshadaha uga hortagaan

760
Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo ka soo horjeestay in militariga loo adeegsado dibadbaxayaasha. Sawirka/BBC

Xoghayaha difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa ka soo horjeestay in ciidamo loo diro goobaha ay ka socdaan dibadbaxyada si ay u soo afjaraan Rabshadaha ka dhashay dilkii George Flodyo ahaa nin madow ah oo booliisku dilay.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ciidamada ay ” Si dhaqso ah u soo afarayaan dhibaatada”.

Xoghayaha difaaca Mareykanka oo ka horyimid adeegsiga milatariga si ay rabshadaha uga hortagaan

Xoghayaha difaaca Mareykanka Mike Esper ayaa sheegay in uusan taageersaneyn in la adeegsado xeerka ka dhanka ah kacdoonka ee banneynaya in ciidanka milatariga lagu daadiyo magaalooyinka si ay u xakameeyaan dibadbaxyada ka socda qaybo ka mid ah Mareykanka.

Esper ayaa dhanka kale tilmaamay in uusan ka warqabin in uu qayb ka noqon doono masawir siyaasadeed uu Madaxweyne Trump ku galay kaniisad horteeda isaga oo kitaabka Bible kor u taagaya.

Ciidanka booliiska ayaa si xoog ah dibadbaxayaasha uga kaxeeyay beer nasasho oo ku dhow Aqalka Cad si Madaxweynuhu masawir u galo kaniisadda horteeda.

Mar uu wariyaasha kula hadlayay xarunta wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon ayuu sheegay Esper in ciidanka Milatariga ay qaadan karaan doorka booliiska kaliya marka ay xaaladdu meel xun mareyso, taasina aysan hadda jirin.

Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa si weyn uga soo horjeedda in ciidanka Milatariga ay wax lug ku yeeshaan wax ka qabashada dibadbaxyada oo ah shaqo u taal Hey’adda dhaqangalinta sharciga sida Booliiska.

Waxay sidoo kale wasaaraddu ka xun tahay in milatariga uu faraha la galo arrimaha gudaha oo ay horay ula galeen sida amniga xuduudaha.

Mudahoraadyada rabashadaha wata ayaa billowday kadib markii fiidiyow muujinaya Mr Floyd, oo 46 jir ah, lagu xiray magaalada Minneapolis 25kii Maajo iyadoo sarkaal boolis caddaan ah uu jilbihiisa ku sii hayay qoorta Mr Goerge Floyd muddo 8 daqiiqo xitaa markii uu ka baryay inuusan neefsan karin.

Afhayeenka Madaxweyne Trump ayaa mar la weydiiyay waxa ay sheegtay in Esper uu wali yahay xoghayaha difaaca, laakiin haddii ay wax soo kordhaan ay ogaan doonaan. Madaxweyne Trump ayaan ku faraxsaneyn mowqifka uu xoghayaha difaaca uga horyimid in ciidanka milatariga ay si muuqata qayb uga noqdaan xakameynta mudaharaadyada.