Xoghayaha difaaca Maraykanka James Mattis ayaa ku eedeeyay dawladda Shiinaha in ay cago jugleyn iyo cabsi galin ku heeyso dariskeeda.
Xogahaya difaaca Maraykanka ayaa intaas ku daray in Maraykanku uusan marnaba qorsheyneyn in ay iska daayaan doorka ay ka ciyaarayaan gobolka.
“ Marnaba haka labaleynina Ameerika waa joogeysa gobolka Indo-pacifiga.Waa goob noo leh ahmiyad gaar ah”.Sidaas waxaa yiri xoghayaha difaaca Maraykanka mar uu khudbad ka jeedinayay kulanka Shangri-La Dialogue ee lagu qabtay dalka Singapore.
Xogahaya difaaca Maraykana ayaa Shiinha ku dhaliilay waxa uu ugu yeeray gob ciidan oo ay ka dhigeyso Jaziiradda dhacda koonfurta Shiinaha oo marin u ah inta badan maraakiibta adduunka lahaanshaheedana uu muran ka taaganyahay, wallow Filipiin ay u xukyntay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda.
Xogahaya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in haddii China ay hadafkeedu yahay in ay horseedo nabadd waarta iyo barwaaqada gobolka ay taageerayaan, waxes uu tilmaayay in mowqifka Shiinaha uu taas lidi ku yahay.