Xoghayaha cusub ee Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Mike Pompeo, ayaa socdaal rasmi ah Ku maraya dalal Ku yaala gobalka Barriga Dhexe.
Mike Pompeo, xoghayaha cusub ee Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka oo maalmo yar un ka hor noqday xoghayaha Arrimaha Dibadda ayaa booqday dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Xoghayaha cusub ayaa Kulan la yeeshay wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya Caadil al-Jubayr iyo dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.
Labada dhinac ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen Arrimaha Ammaanka gobalka Barriga Dhexe, xiriirka labada dal iyo heshiiska nuclear ka dalka Iiraan.
Mike Pompeo, agaasimahii hore ee CIA-da dalka Maraykanka ayaa booqashada Sacuudiga ka dib lagu wadaa inuu kaga sii ambabaxo dalka Jordan/Urdun isagoo uga sii gudbi doonaa Israel.