Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa soo gaaray dalka Japan taasi oo qeyb ka ah booqasho saddex maalin ah oo ku marayo dalalka barriga Asaasiya si uu uga dhadhaaciyo in Kuutriyada Waqooyi ka taansusho hubkeeda Nukliyeerka.
Mike Pompeo ayaa gaaray magaalada Tokyo sabtidii maanta isagoo kulamo kulan yeelan doono mas’uuuliyiin dalka Japan ka hor safarkiisa uu ku tagay Kuuriyada Waqooyi.
Waxa uu la kulmi doonaa Ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe iyo Wasiirka arrimaha dibadda Taro Kono isaga oo kala hadli doono siyaadooda ku aadan Kuuriyada Waqooyi ka hor safarkiisa uu ku tagi doono Pyongyang Axadda,. Waxa kale oo uu booqan doono Pompeo Kuuriyada Koonfureed iyo Shiinaha.
Pompeo ayaa u sheegay warfidiyeenka in ujeedka safarkiisu uu yahay ” in ka hubiyo in labada dhinacba ay fahamsan yihiin waxa ay isku dayayaan in ay gaaraan…iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa waxyaabihii lagu gaaray” dalka Singapore markii ay kulmeen horrentii sanadkaan madaxweyne Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un .