Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo booqasho aan la shaacin ku tagay Ciraaq

598

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sameeyey booqasho aan la cayimin uu ku tagay magaalada Baghdad ee Ciraaq, isaga oo hoosta ka xariiqay dedaallada Washington ee ku aaddan xiriirka ay la leeyihiin Baghdad, iyada oo culays la saarayo “cadaadiska ugu sarreeya” ee ka dhanka ah Tehran -oo Maraykanku ay isku dhacsan yihiin, laakiin xiriir saaxiibtinimo oo ka lalahe Ciraaq.

Mike Pompeo ayaa si lama filaan ah u joojiyay wada hadalkii wadamada Jarmalka waxana uuna afar saacadood uu joogay Ciraaq, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Barham Salih iyo Ra’iisul Wasaaraha Adel Abdul-Mahdi.

“Waxaan ka wada hadalnay muhiimadda Ciraaq si loo hubiyo in ay awood u leedahay in ay si ammaan ah u difaacaan dadka Mareykanka ee ku sugan dalkooda,” ayuu xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka u sheegay warfidiyeenka kadib shirarka. “Waxay labaduba bixiyeen xaqiijin ay fahmeen in ay yihiin masuuliyadooda,” ayuu yiri.

Wasiirka Warfaafinta ee dalka Ciraaq Mohammed Ali al-Hakim ayaa sheegay in wadahadaladu ay diiradda lagu saaray “xiriirka laba-geesoodka ah, horumarka ammaanka ee ugu dambeeyay ee gobolka iyo dadaallada la-dagaallanka argagixisada”.

Pompeo waxa uu sheegay in uu safar ku tagay sababta oo ah ciidamada Iran ayaa “sii kordhayay dhaqdhaqaaqdooda Gobolka” waxayna sheegeen in khatarta weerarradu ay yihiin “mid gaar ah”.

“Kuwani waxay ahaayeen weeraro ku dhowaa,” ayuu Pompeo yiri.

Waxa uu diiday inuu bixiyo faahfaahin dheeri ah oo uu ku soo celiyo sheegashadiisa, kuwaas oo lala kulmay shaki badan oo ku yaal meelo badan, iyada oo dad badan oo ka cabsanaya in madaxweyne Donald Trump uu raadinayo in uu dagaal la galo Iran.

Maraykanka, ayaa sheegay, in ay soo dirtay dhowr diyaaradood, oo ah nooca B-52 ah oo awood u leh in ay u duqeeyaan gobolka.

Axaddii, lataliyaha dhanka amniga madaxweyne TrumpnJohn Bolton ayaa sheegay in markab lagu magaacabo USS Abraham Lincoln Carrier Strike Group iyo ciidamo isku dhaf ah la geeyay gobolka Taliska dhexe ee Maraykanka si ay u diraan “farriin cad oo aan faahfaahin” u dirin Tehran in weerar kasta oo lagu qaado danaha Mareykanka ama xulafadiisa waxaa la kulmi doonaa “xoog aan la xakamayn”. Ayuu yiri.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Mohammad Javad Zarif, ayaa bartiisa Twitter ku yiri: “Haddii Mareykanku iyo xulafadiisa aanay dareemin ammaan, waa sababtoo ah dadka ay ku dhibaateeyeen gobolka – in eedaynta Iran ayaan waxba ka beddeli doonin.”