Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo booqanaya dalal Carbeed

90
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa safar ku tagaya Bariga Dhexe. Sawirka/ AP

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa safar ku tagaya Bariga Dhexe.

Waa safarkii koowaad ee safarro masuuliyiin sarsare oo Mareykan ah ay ku tagaan Bariga Dhexe. Ujeedka safarkaan ayaa ah sidii Madaxweyne Trump uu gacan uga geysan lahaa nabadda Carabta iyo Israa’iil.

Trump ayaa rejo weyn ka qaba in qorshahaan nabadda Bariga Dhexe uu sare u qaadi doono ololihiisa dib u dooraaho ee bisha Novomber.

Pompeo ayaa tagi doona Isra’iil, dalal Khaliijka iyo Suudaan; isaga oo aan ka qayb gali doonin shirweynaha xisbiga Jamhuuriga oo dib u magacaabi doona Trump si uu ugu tartamo doorashada Mareykanka ee 3da bisha November.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaarradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Mike Pompeo uu tagi doono Baxreeyn iyo Imaaraadka; iyada oo ay suuro gal tahay in uu ku hakado Cumaan iyo Qadar.

Jared Kushner la taliyaha Madaxweynaha Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa isagana lagu wadaa in tago dalalka Israa’iil Cumaan, Baxreyn, Sucuudiga iyo Marooko.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo ayaa marka uu booqdo Suudaan waxa uu la kulmi doonaa Cabdalla Xamdook. Labada masuul ayaa ka wadahadli doona sidii Suudaan looga saari lahaa dalalka liiska argagixisada taageera.

Booqashooyinkaan ayaa daba socda dadaalada Trump ku doonayo in uu isu soo dhaweeyo dalalka Carabta iyo Israa’iil.

SHARE